
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka Qaran ee Xuquuqul Insaanka, kaas oo markii ugu horeysey Soomaaliya lagu qabanayo.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo shirka ka hadlay ayaa sheegey in maalmaha uu socdo diiradda lagu saarayo kaalinta Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta, ilaalinta iyo kor u qaadidda xuquuqda aadanaha.
Waxa uu sidoo kale dul istaagay in tani ay fursad u tahay in la isdhaafsado aragtiyo wax ku ool ah lana xoojiyo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda, bulshada rayidka ah iyo beesha caalamka, si wadajir looga shaqeeyo dhismaha mustaqbal ku dhisan caddaalad, sinnaan iyo xurmeyn buuxda oo la siiyo xuquuqda aadanaha.
Leave a Reply