Xasan Sheekh oo Norway U Dhoofay iyadoo dagaalo beeleed iyo mid shabaab Dalka ka Socdo

xasanshekkh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay dalka Norway, halkaas oo uu ku tagi doono booqasho shaqo oo muddo saddex maalmood ah.

Madaxweynaha ayaa Inta uu ku sugan yahay Oslo, waxaa wadahadallo laba geesood ah la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Norway si loo xoojiyo xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal.

Waxaa Magaalada Muqdisho galinkii danbe ee shalay lasoo gaarsiiyey askartii ku dhimatay iyo kuwii ku dhaawacmay dagaal shalay ka dhacay degmada Ceeldheer.

dhanka kale Maamul Goboleedyada Hirshabeellle, Koonfurgalbeed iyo Galmudug waxaa ka socda Dagaal beeleedyo dhaliyey dhimasho iyo dhaawac.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.