Wasiir Fiqi oo Codsaday in Laxiro Xafiiska UNSOM Ee Soomaaliya

fiqi

Warqad uu ku saxiixan yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, loona diray Madaxweynaha Golaha Ammaanka Pedro Comissario Afonso, ogeysiina la siiyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa looga codsaday in la baabi’iyo Hawgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (UNSOM), innagoo tixgalineyna bay yiraahdeen hawllaheena istiraajiyadeed ee hortabinta leh.

Warqada ayaa lagu sheegay in Dawladda Soomaaliya aysan codsan doonin in la cusbooneysiiyo qaraarka tirsigiisu yahay 2705 ee soo baxay 2023.

Dawladdu waxa ay codsatay in la qaado dhammaan talaabooyinka lagama maarmaanka u ah hannaanka lagu gabagabeynayo muddo xileedka Hawgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaas oo ku eg bisha Oktoobar 2024.

Warqadan oo ku taariikhaysan 5-tii may 2024 ayaa Madaxweynaha Golaha Ammaanka waxa gaarsiiyay danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baale) 8-dii May.

Dawladdda Soomaaliya illaa hadda wax faahfaahin ah kama bixin sababta ay u codsatay in la baabi’iyo Hawgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Hawgalka UNSOM xafiisyadiisa kala duwan ee Soomaaliya waajibaadkiisa waxa kamid ah in uu kala shaqeeyo Dawladda Federaalka iyo dawlad Gobolleedyada hawllaha dibu heshiisiinta, talo bixinno istraatijayeed oo kala duwan oo ku saabsan nabad iyo dawlad dhiska Soomaaliya, la socoshada xuquuqda aadamaha iyo isku xirka dadaallada caalamiga ah ee lagu taageerayo Soomaaliya.

Tan iyo markii uu hawgalkan bilowday 2013-kii, waxa ay gacan ka geysteen hannaanka federaalaynta Soomaaliya,. Waxa kale oo ay kaalin ku leeyihiin dawlad dhiska, amniga iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha. Hawlahaas in badan oo kamid ah hadda ayay qayb ka ahaayeen sida xoojinta nidaamka federaalka, dhameystirka dastuurka iyadoo loo marayo wadatashiyo ballaaran iyo dib u habeynta qaybaha amniga iyo caddaaladda ee Soomaaliya.

Arimaha kale ee waaweyn ee xafiiskan kaalinta ku leeyahay waxa kamid ah u kala dab qaadidda dhinacyada siyaasadda Soomaaliya marka uu dhex maro khilaaf siyaasadeed. Xiliyada kaalintoodu muuqato waxa kamid ah marka doorashooyinka heer federaal ama heer dawlad gobolleed la qabanayo, markaas oo ay dhinacyada u sameeyaan kulamo xal loogu raadinayo isdiidooyinka jira.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.