Taliyaha Ciidanka Boliiska oo Xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil Ka socda Dalka Masar

Boliis

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya S/Guuto  Sulub Axmed Firin ayaa Xafiiskiisa Ku qaabilay Saraakiil Ka socda Dalka Masar kuwaa oo Shalay Soo gaaray Magalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Soodhaweynta Saraakiishan waxa goob joog ahaa Taliye ku Xigeenada Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Cusmaan C/llaahi Maxamed (Kaniif) iyo S/Guuto Zakia Xussen Axmed iyo hogaanada ciidanka.

U jeedka Socdaalka Wafdigaan ayaa la xiriira casuumaad uu u fidiyay Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto.

S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa Saraakiishan uga Mahad celiyaya Aqbalaada Casuumaadii uu u fidayay sidooakalana uga Mahad Celiyaya Garab istaaga ay u sameeyeen Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed.

Dhanka kale Saraakiisha ka socday dalka Masar ayaa bogaadiyay hormarka ay ku tilaabsadeen ciidan boliiska Soomaaliyeed, iyaga oo xusay in ay ciidanka boliiska Soomaaliyeed ka taageeri doonaan tababara, xirfadaha iyo guud ahaan hormarada ciidanka.

Share this Arti

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.