Madaxweynaha Dowlad Gobolkeedka Koonfur galbeed Ayaa Qaabilay Gudoomiyaha SODMA

laftagareen

Madaxwaynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Md. Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa xalay xarunta madaxtooyada Magaalada Baydhabo kulan soo dhaweeyn ah ugu sameeyay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed Mudane Mahamuud Moallim Abdulle oo shalay Baydhabo soo gaaray.

Kulankan waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka maamulka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush, Lataliye sare Shariif Sheekhuna iyo Masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha ayaa Madaxwaynaha uga warbixiyey dedaallada hay’adda SoDMA ay ka wado degaanada KGS ee ah ka hortaga in Roobka gu’ga qasaaro badan ka dhasha, in shixnado gargaar ah soo gaarsiiyen Baydhabo iyo Buurhakaba taas oo bulshada danyarta ah loogu qeybinayo alaabta maacuunta, bustayaal, bacaha roobka looga okorto, jingado iyo qalabka dhismaha, si bulshada hadii banaanka ugu baxaan guryahooda gabaad uga dhigtaan.

Sidoo kale waxa ay kawada hadleen In ay kawada shaqeeyaan sidii la iskaga kaashan la haa ka hortaga iyo yareeynta qataraha daadadka, bulshadana loo gaarsiin la haa gurmadyo degdeg ah inta aysan bilaaban roobabka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.