Masawiro iyo Magacyada Saraakiishii Gorgor,Danab iyo Xaramcad ee dhintay inta xasan Sheekh madaxwaynaha yahay

Ciidan

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud Markuu Xilka qabtay waxa uu ku dhawaaqay dagaal ka dhana shabaab balse badalkeeda waxa furimaha Dagaalka ku Geeriyooday Ciidamo tiro badan oo ay Qayb ka Ahaayeen Saraakiil Sar sare ee hogaaminaayey Gorgor iyo Xaramcad.

Saraakiisha ugu mahiimsan ee Shabaab Dileen waxaa kamid ahaa kuwaan hoos ku qoran

30 September 2022 waxa la Dilay Taliyihii ciidamada Gobolka Banaadir Sareeye Guuto Farxaan maxamud aadan (QAROOLE) waxana lagu Dilay Qarax ka Dhacay Agagaarka Dagmada Balcad.

17 January 2023 waxaa Degaan Xawaadley lagu dilay Taliyihii Guutada Sadexaad Qaybta 27aad Kornayl Abshir Shataqay iyo Ciidamo la Socday kadib markii dagaal adag la galeen argagixisada Shabaab.

20 January 2023 aya weerar ay al-Shabaab ku so Qaadeen saldhiga ciimada Soomaaliya e Galcad waxayna ku Dileen 25 askari o uu ku jiray Gaashaanle Xasan Tuure, o ahaa Taliye ku xigeenkii ciidamada kumaandoosta e Danab,

Gaashaanle Shaah-macabe oo aha Taliyaha Guutada 25-aad e Cumar Bin Khataab ayaa ‘nolol geeri lagu waayay wixii ka Dambeeyay weerarkii Al-Shabaab e Deegaanka Cawswayne oo ku Dhow Ceel-dheer Gobolka Galgaduud,

Abaanduulihii Ururka 18aad ee Kumaandooska Gorgor ee xooga Dalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sheekh Xasan (Suulnuug) aya 7 January 2024 aas logu sameeyay magaalada Muqdisho isaga oo ku Dhintay Dagaal ka Dhacay Gobolka Mudug.

Ururka al-Shabaab ayaa 23 Maarso 2024 waxay weerar ku Qaadeen fadhiisin ciidamada Dawlada Soomaaliya ay ku leeyihiin Gobolka shabeeladda Hoose Gaar ahaan Busleey oo u dhaw Jaziira.

Saldhiga la weeraray oo la sheegay in ay ku sugnaayeen cutubyo kala Duwan o isugu jira Militariga Somaliya, Booliska sida militariga u Tababaran & Nabad Suggida ayaa waxa ku dhintay ciidan gsarsya 20 askari oo ku jiro taliye liibaan.

Waxaa j8ra Saraakiil kale iyo ciidamo ku dhintay dagaslka lagula jiro shabaab oo aan haysan hogaamin fiican waana sababta keentay in shabaab qabsadaan gadiid badan oo ay lee yihiin ciidamada dowla Soomaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.