Daawo:Wasiir Fiqi oo Si Rasmi ah Xilka Wasarada arimaha dibada La wareegay

fiqi

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xilka la wareegay, iyada oo uu ku wareejiyey Sii-hayihii ahna Wasiiru dowlaha Wasaaradda mudane Cali Cumar (Cali Balcad).

Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo ka hadlay munaasabadda xilwareejinta ee ka dhacday xarunta Wasaaradda ayaa ugu horreyn u mahadceliyey Madaxweynaha JFS mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xamsa Cabdi Barre oo u gartay in xilkan cusub.

Wasiir Fiqi ayaa waxaa uu ballanqaaday xoojinta kaalinta Diblomaasiyadda iyo muuqa siyaasadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya isaga oo intaa raaciyay inuu ka shaqeyn doono difaaca danaha dowladda, sarreynta qadiyadaha iyo masaalixda kala duwan ee qaranka Soomaaliyeed ee fagaareyaasha caalamiga ah.

Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya mudane Fiqi ayaa xilka la wareegaya xilli wax ka qabasho, dardargelin iyo horumarin u baahan yihiin danno badan oo Soomaaliya kala dhaxeeya dalalka dariska, gobolka iyo caalamkaba.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.