Akhriso:Farmaajo Ra’iisul oo ugu hambalyeeye ciidanka xoogga dalka sanad guurada 64-aad

farmaajo

Madaxwaynihii Hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Hambalyo u diray Ciidanka Xooga Dalka iyo qoysaskooda.

Munaasabadda 64 guurada ka soo wareegtay Aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee 12-ka April awgeed, waxaan hambalyo u dirayaa ciidankeenna geesiyaasha ah oo ay ugu horreeyaan saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda, dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidanka iyo xaasaskooda iyo carruurtooda.

Ciidanka Xooggu waa astaan qarannimo iyo midnimo, waxay u taagan yihiin difaaca dalkeenna, ilaalinta wadajirka, sharafta iyo haybadda Shacabka Soomaaliyeed. Waxa ay naftooda u hibeeyeen si ay muwaadiniinteennu nabad iyo xasillooni ugu seexan lahaayeen, ugana difaaci lahaayeen cadow kasta oo halis ku ah jiritaankeenna.

Hambalyo iyo ciid wanaagsan mar labaad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.