Amniga Magaalada Muqdisho oo Ka daray iyo Maraykanka oo Digniin kasoo Saaray

muqdisho

Safaarada Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa soo saartay digniin ku aaddan khatar dhanka ammaanka ah oo ay sheegtay in ay kusoo wajahantahay muwaadiniinteeda ku sugan gudaha Soomaaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in ay heshay xog ku saabsan hanjabaado loo jeedinayo goobo badan oo ku yaalla Muqdisho, sida garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dhammaan duulimaadyada iyo dhaq-dhaqaaqa kale ee shaqaalaha Mareykanka gaar ahaan kuwa ka howlgala safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa la hakiyay maanta oo talaado ah.

Qoraal lagu daabacay barta safaaradda ayaa lagu yiri, “Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa heshay xog ku saabsan hanjabaado la xiriira goobo badan oo ku yaalla Muqdisho oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Dhammaan dhaqdhaqaaqyada shaqaalaha safaaradda Mareykanka waa la kahiyay Talaadada, 9-ka Abriil, 2024-ka.

Xalay bay ahayd markii Madaafiuc lagu soo tuuray Madaxtooyada Soomaliya iyo qaybo ka mida Magaalada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.