Puntland iyo Madax la tursan Itoobiya oo Addis Ababa Ku kulmay

Puntland

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada DPL Hon Abdillaahi Bile Nour oo waheeliya Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maax Gabobe iyo Agaasimaha Waxda Duulista Mr. Cabtan Maxamuud Xaaji Warsame ”Mooto” oo hawlo shaqo ku tagey Dalka Ethiopia ayaa kulan kula qaatey Masuuliyinta ay kamid yihiin Wasiir-dowlaha Wasaaradda Gadiidka Ethiopia Mr Dhenge Boru, Mareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Hawada ee dalkaas Mr Getachew Mengistie iyo Madaxda ug

u sareeya shirkadda Ethiopian airlines Mesfin tasew Bekele.
Kulamadan ay Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada DPL la qaateen Madaxda Dalka Ethiopia ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Puntland iyo Ethiopia, Kor u qaadida Duulimadyada Diyaarada Ethiopian airlines ay ku timaado Deegaanada Puntland oo lagu soo kordhinaayo Diyaaradaha xamuulka qaada ”Cargo Fly” iyo Sidii loo siin-lahaa shaqaalaha Wasaaradda Duulista DPL tababaro iyo deeq waxbarasho ”Scholarship”.


Shirka ayaa kusoo dhammaaday isfahan iyo sidii Madaxda Ethiopia iyo Puntland ay iskaaga kaashan lahayeen Arrimaha kor ku xusan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.