Daawo:Puntland oo Aqoonsigii Kala Laabatay Xasan Sheekh

puntland

Shir deg deg ah oo xalay ay yeesheen Golaha Wasiirrada Dowlada Puntland ayaa looga arrinsanayay tallaabadii uu qaaday Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh

Shirkan deg deg ah oo uu guddoominayay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa tashi dheer kadib lagu gaaray mowqifka maamulka ee ku aadan meel-marinta wax ka beddelka dastuurka Somalia.

“Puntland waxay u dhaqmaysaa dawlad madax banaan, ahaan waxayna yeelanaysaa awoodaha dawlad gaar ah ilaa helayo Dastuur Soomaaliya, oo afti loo qaaday, kuna dhisan nidaamka Federaalka, Xassan Sheekh waa MW hore oo lumiyey sharciyadii lagu doortay” Qaraarka Puntland ay gaartay ayaa lagu yiri.

Qaraarkan ayaa la sheegay in lahorgeyn doono golaha wakiilada Puntland, waxaana la xigtay qodobada dastuurka PL ee sheegaya in dib loo eego kasii mid ahaanshaha DFS, Beesha Caalamka ayay PL toos ula xaajoon doontaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.