Ra’iisalwasarayaashii Hore iyo C/Cabdi Shakuur oo qaadacay Dastuurka Cusub

KHAYRE

Ra’iisuwasaarayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre iyo Cumar Cabdirashiid iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa warsaxaafadeed ay wadajir usoo saareen ku qaadacay Dastuurka maanta la.ansixiyey.

Masuuliyiintaan ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya inuu dalka u horseeday qalalaase qalalaase iyo hubanti la’aan siyaasadeed, wuxuu qalqal geliyey geedi socodkii dib u heshiisiinta iyo dawlad dhiska, wuxuu dhaawacay is aaminaddii iyo kalsooni dhiskii ummadda, ayay yiraadeen saddexdooduba.

Sidoo kale waxa ay ku eedeeyeen madaxweyne Xasan Sheekh inuu dalka u sameeyey laba dastuur oo muran iyo mugdi gelinaysa sharciyadda Madaxweynaha iyo hay’adaha kale ee dastuuriga ah.

Cumar Cabdishiid, Xasan Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaasi kusii daray inay qaadaceen qodobada dastuurka ee la ansixiyay, ayaga oo tilmaamay inay aqoonsan yihiin dastuurka KMG ee dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.