Deni oo Gudoomiyey Shirkii Golaha Wasiirada Cusub ee Puntland

deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka xogsiinta iyo howlgelinta Golaha xukuumadda cusub ee Dowladda Puntland oo maanta ku qabsoomay xarunta Madaxtooyada.

Golaha xukuumadda ee cusub ayaa Shirka lagula wadaagay, hanaanka wadashqeyn ee Dowladda, Habraacyada heer walbo, Guddiyada loo kala qeybiyay Golaha, Mashaariicda iyo shuruudaha Dowladda Puntland ee la waafijiyo, sida ay u shaqeeyaan adeegyada danabaysan ee Wasaaradaha sida Khasnada Mideysan, Adeega Goluhu ku xiriiro ee E-cabinet, sida ugu wanaagsan ee loo isticmaalo warbaahinta iyo Hab-Maamulka heer walbo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Golaha cusub Kula dardaarmay in ay bulshadooda ugu adeegaan sida ugu wanaagsan ee ay awoodaan. Isagoo u rajeeyay in Allaah u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.