Akhriso:Guudlaawe Oo Shaqada Ka Cayriyey Gudoomiyihii Hiiraan

guudlaawe

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilka gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ka qaaday Cabdillaahi Maalin Sufurow oo xilkaas hayay tan iyo bishii Juun ee sanad kii hore 2023, markaas oo uu badalay Cali Jeyte Cismaan.

Sufurow ayaa muddaba la tacaalayay mucaaradad xoog leh oo kaga imaanaysay qaar kamid ah siyaasiyiinta gobolka, oo uu kamid yahay Cali Jeyte oo diiday in uu xilka ku wareejiyo markii la soo magacaabay.

Dhawaan ayay ahayd markii magaalada Beledweyne laga saaray maamulkii taageersanaa Hirshabeelle, kaddib markii uu dagaal culus la galay maamulka kale ee la baxay Hiiraan State.

Lama sheegin sababta xilka looga qaaday Sufurow.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa gudoomiye cusub u magacaabay Gobolka Hiiraan, waxana lagu magacaabaa Muuse Salaad Weheliye.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.