Qoyska Madaxwayne Xasan oo La Ogaaday inay Jeebkooda ku Dhacayso 9 Doolar ee Laga qaadayo Shacabka Dhoofaya

xasansheekh

Muuqaalada laga soo duubay garoonka diyaaradha Muqdisho ayaa muujinaya jahwareerka ka taagan garoonka diyaaradha ee magaaladda Muqdisho, Boqolaal ruux oo shacab ah oo aanan ku safri karin dhulka madaama shabaab xireen wadooyinkii ayaa doonayay inay u dhoofaan gobolada dalka ayaa ku xaniban gudaha garoonka.

Waxaa Shalay hakad galay duulimaadyada gudaha ee ka bixi jiray garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, kaddib markii shirkaddaha diyaaraddaha iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadu, isku khilaafeen lacago dheeraada oo lagu soo rogay dadka ka dhoofaya garoonka.

Maamulka Ururka Diyaaraddaha ayaa sheegay in lagu soo rogay qof kasta oo ka dhoofaya garoonka Aadan Cabdulle ee ku socda gobollada wadanka lacag dhan $9, iyagoo maraya nidaam cusub oo ay dajisay shirkad gaar loo leeyahay oo ay ruqsad ay siisay wasaaradda duulista hawada.

Shirkadaan gaarka loo lee yahay ee qaadaysa 9 Doolar ayaa waxaa iska leh qoyska Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, lacagta ay qaadayso shirkadaan ayaanan ku dhacayn banginga iyo wasiirada Maaliyada Soomaaliya.

Mana ahan markii u horaysay ee qoyska Madaxwayne Xasan Sheekh lacago kuwaan la mid ah ay dulsaartaan shacabka Soomaaliyeed ee dhibaataysan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.