Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug oo qabatay shirka ku saabsan dib u Heshiisiinta.

waayeel

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka lyo Dib-U-heshiisinta Dowladda Galmudug Mudane Abdi Mohamed Jaamac (Abdi waayeel) ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadd Galmudug kafuray shirka Arrimaha Dib-U-Heshiisinta, Dowlad Wanaaga iyo Xasilinta oo ay kasoo gayb galeen Odayaal kasocday Degmooyinka xorta ah ee Galmudug.

Shirkaan oo socon doona muddo 6-cisho ah ayaa diirada lagu saarayaa Arrimaha nabad dhiska, Dowlad wanaaga, la dagaalanka Khawaarijta Iyo iskaashiga Odayaasha ee Arrimaha Dib-Heshiisinta, waxaan
Furitaanka shirkaan oo muhim u ahaa Dowlada Galmudug kasoo geyb galay, wasiir Dowlaha
wasaaradda Arrimahal Gudaha, Wasirka Wasaaradda Tamarta Iyo kheyraadka Biyaha Wasirka Gargaarka Iyo Maareynta Musibooxinka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarrada shaqada lyo Arrimaha Bulshada.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka yo Dib-U-Heshiisinta Dowladda Galmudug Mudane Abdi Mohamed Jaamac “Cabdi – Waayeel” oo Furitaanka shirka Kalmad ka jeediyay ayaa sheegay Ahmiyada ay nabadu u leedahay bulshada isaga oo ku dheeraaday ka sheekeynta Horumaradda Dowladu ka gaartay arrimaha Nabadda, Dowlad Wanaaga yo Dib-u-xoreynta, waxa una odayaasha kula Dardaarmay inay kala shaqeeyaan Arrimaha Nabadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.