Wasiir Tiktok oo Shalay Itoobiya La Saxiixday heshiis Difaac ayaa Hadana Uganda La Saxiixday Heshiis Difaac

wasiir

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Uganda, Mudane Vincent B. Ssempijja iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ku yimi magaalada Muqdisho, iyada oo uu Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhoweeyeey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Cabdifataax Qaasim.

Wafdiga Wasiirka Difaaca dalka Uganda oo soo dhoweynta ka dib loo soo galbiyay Xarunta Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa halkaasi waxa ay kulamo kula qaateen Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Cabdulqadir Maxamed Nuur, madaxda kale ee Wasaaradda iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka XDS Janaraal Maadeey Nuureey Shiikheey, iyaga oo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dal ee dhanka difaaca.

Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, mudane Cabdulqadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa dalka Uganda Mudane Vincent B. Ssempijja ayaa kala saxiixday dhammeystirka heshiis is afgarad (MOU) dhanka difaaca ah, kaas oo labada dowladood ay 8-dii bisha Agoosto 2022-kii ku kala saxiixdeen magaalada Entebbe ee dalka Uganda.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Cabdulqadir Maxamed Nuur ayaa horay heshiis Difaac la saxiixday Dowlada Itoobiya kaas oo barlamaanka Soomaaliya dalbadeen in heshiiskaa la horkeena Golaha shacabka taas oo aanan wali dhacin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.