Madaxwayne Xasan Sheekh iyo Culamada oo Kawada Hadlay Dastuurka

Xasansheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud kulan wadatshi ah kula qaatay qaar kamida culimada Soomaaliyeed, ayaa uga warbixiyey mudnaanta uu siinayo in dalka laga xoreeyo argagixisada Alshabaab, Dastuurka xoojinta midnimada iyo xal u helidda caqabadaha dib u dhigay dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay muujinta been abuurka ka dhanka ah diinteenna suubban ee Islaamka oo argagixisadu ay ku xalaashadeen dhiigga dadkeenna, waxa uuna xusay doorka taariikhiga ah ee culimada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin toosinta dowladnimada iyo difaaca dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dagaalka socda ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab ay laf-dhabar u yihiin culimada Soomaaliyeed oo ah dhaxal-dhowreyaasha diinteenna suubban, waxa uuna la wadaagay sida ay muhiimka u tahay in ay cilmigooda iyo codkoodaba ku garab istaagaan halganka wadajirka ah ee ay wadaan Ciidamada Qalabka Sida iyo dadka degaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu.

Dhankooda, culimada ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin ku aaddan dowlad dhiska dastuurka, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo soo bandhigay sida ay u garab taagan yihiin dadaallada dowladda.

Kulanka waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta XFS mudane Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali iyo mas’uuliyiinta hay’adda culimada soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.