Barlamaanka Soomaaliya oo Meelmariyey Heshiiska Lu biirista Bariga Africa

Somalia

Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay heshiiska ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa ( East African Community).

Ansixinta Baarlamanka ee heshiiskan ayaa waddada u xaareysa dhameystirka habraaca xubinnimada Soomaaliya ee ururka , iyadoo EAC siisay muddo 6 bilood ah oo ay ku gudbiso heshiiska oo la soo mariyay hay’adda sharci dejinta, lana ansixiyay.

Golaha Wasiirrada Urur Goboleedka Bariga Afrika ayaa waxaa loo xilsaarey in marka loo gudbiyo heshiiska maanta la ansixiyay, inay guda galaan fulinta iyo dhameystirka xubinnimada rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Bishii November 24keedii, 2023 ayaa Shir Madaxeedkii EAC oo ka dhacay Arusha lagu ansixiyay codsiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku biirista Urur Goboleedka Bariga Afrika.

Soomaaliya ayaa noqoneysa xubinta 8aad ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Waddamada kale ayaa kala ah Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Burundi, Koonfuurta Suudaan iyo Jamhuuriyadda Demoqraadiga ee Congo ( DRC).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.