Daawo:Guddoomiye Madaale Shaaciyey inay dhacdo naxdin leh ay ka dhacday Suuqa Bakaaraha

jimcaale

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in argagixisadu ay yihiin kuwa ka ganacsada dhiigga umadda oo aan wax naxariis ah lahayn.

Mudane, Madaale oo ka hadlayay munaasabad lagu daah-furayay bandhigga suuq weynaha Muqdisho ayaa intaa ku daray in dad masaakiin ah oo carruurtiisa usoo shaqa tagay bam loo dhigo laguna dilo ay tahay wax Islaamnimada ka fog.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in musiibadii shalay ka dhacday Bakaaraha aynu ku weynay dad badan oo qiimo lahaa, kuwaas oo isugu jira noocyada bulshada, wuxuuna Alle ugu barrayay naxariis.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa hadalkaan ka sheegay suuq weynaha Muqdisho oo maanta ka furmay Caasimadda, isagoo ku tilmaamay fursad shaqa abuur ah oo kusoo bbiirtay magaalada Muqdisho.

Dhallinyarada oo uu ku tilmaamay lafdhabarka bulshada ayuu guddoomiyuhu faray in ay ku dedaalaan wax dalkooda iyo dadkuba kobcinaya qurxiyana mustaqbalkooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.