Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa magaalada Addis Ababa ku gaaray heshiis Is afgarasho.
Madaxweyne Muuse Biixi oo garab fadhiya Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in ay Itoobiya la galeen heshiis Isfahan, kaas oo Somaliland ay badda ka siinayso meel ay degaan ciidanka Itoobiya halka sida uu sheegay Biixi ay Itoobiyana noqonayso “dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada madaxbannaanida Somaliland”.
Dhanka kale bayaan uu soo saaray xafiiska Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa lagu xaqiijiyey isfahanka, wallow macluumaad faahfaahsan uusan ku qornayn.
Qaybtan ay badda ka siinayaan Itoobiya ayuu Muuse Biixi sheegay in ay tahay kiro ee aysan ahayn siismo.
Leave a Reply