Wasiirkii Arimaha Dibada Soomaliya oo Iscasilay

wasiir

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa sheegay in uu iska Casilay Xilkii Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Qoraal kooban oo uu Wasiirku ku daabacay Bartiisa Facebook ayaa u dhignaa “Waxaan maanta oo taariikhdu tahay 18-ka December/2023 go’aansaday inaan iska casilo xilkii Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, anigoo aminsan in aan si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegay qarankayga, ilaaliyeyna mas’uuliyadii balaarnayd ee madaxda qaranku igu aamineen”.

Wasiirka ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo inuu yahay Musharaxa Madaxwaynaha Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.