Wasiir Fiqi oo u Dabaal Dagay Wax Qabadkii Wasaarada uu Wasiirka ka Yahay

fiqi

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi oo uu wehliyo Wasiir dowlaha Wasaaradda Saadad Caliyow, qaybna uu ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS ayaa ka qaybgalay munaasabad lagu soo bandhigaayey waxqabadka Wasaaradda Arrimaha Gudaha sanadkaan sii dhamaanayo.

Kulanka waxaa qayb ka ahaa madaxda waaxyaha hoostaga Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Masuuliyiin ka kala socday dowlad Goboledyada dalka ka jira,odayaasha dhaqanka iyo madax kala duwan.

Madashaan waxaa lagu soo bandhigay waxii u qabsoomay sanadkaan 2023 Wasaaradda, iyadoo shacabkii ka soo qaybgalay kulankaan wasiirka ay waydiyeen su’aalo la xariira waxa u qabsoomay iyo qorsha u yaal ka wasaaradd ahaan.

Wasiir Fiqi ayaa shahaadoyin guddoonsiiyey Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka iyo Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha qaar kamid ah oo lagu abaalmariyey shaqo wanaag.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.