Wasiirka wasaaradda maaliyadda XFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa ka laabtay warqad uu shalay soo saaray, taas oo shaqada uu kaga joojinayey Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee dakhliga wasaaradda maaliyadda.
Wasiir Maaliyada Soomaaliya ayaa soo saaray laba waqradood oo ku kala socda labada agaasime, isagoo siiyey digniin, isla markaana faray inay u hoggaansamaan amarrada wasiirka.
Wareegtada uu shaqo joojinta kaga laabtay Wasiirka Maaliyadda ayaa lagu sheegay in laalista ku xusan wareegtadan aanay burineynin jiritaanka eedeymaha maamul ee loo jeediyey labada masuul sidaa darteed Agaasimaha Guud iyo Xisaabiyaga Guud Digniin adag la siiyey, iyadoo madaxda Wasaaradda si dhow ula soconayaan gudashada iyo hoggaansanaanta waajibaadkooda shaqo.
Sidoo kale wasiirka ayaa qoraalkan ku xusay in xisaabiyaha guud loogu cudur daaray inuu ku cusub yahay shaqada wasaaardda, isla markaana ay tahay markii ugu horeysay ee qaladaadka lagu eedeeyey uu ku dhacay.
Wasiirka Maaliyada Soomaaliya ayaa cadaadis kala kulmay Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha taasoo ku aadaneyd tallaabadii uu shalay shaqo joojinta ugu sameeyay labada masuul, sidaas awgeedna uu uga laabtay.
Leave a Reply