Xubno ka socday dowladda FS iyo Galmudug oo xarigga ka jaray xarun cusub e Lajiiday

cawad

Madax ka tirsan dowladda Federaalka iyo kan Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xariga ka jaray xarun cusub oo loogu talagalay in ay ku howlgalaan maamulka deegaanka Lajiida oo ka tirsan Degmada Xeraale ee gobolka Gaalgaduud.

Xafladdaan oo ay sidoo kale ka qeybgaleen qeybaha ururada bulshada,waxaa ka hadlay Xildhibaan Mahad C/lla Cawad, Wasiiru Dowlaha Howlaha Guud XFS Bashiir Goobe iyo Wasiirka Caafimaadka Galmudug Yaasiin Jaamac.

Guddoomiyaha Deegaanka Lajiida Bacalwaan C/lle Xirsi iyo odoyaasha dhaqanka ayaa soo dhoweeeyay wafdiga ,iyagoo uga warbixiyay dadaalkii loo galay xaruntaasi iyo dhismayaal kale oo ay horay looga aasaasay halkaasi.

Xaruntaan waxaa hiralinteeda iska kashaday Wasaaradda Arrimaha gudaha Galmudug iyo IMO.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.