Sawiro:Dabaaldagga xuska sanad Guurada 63-aad ee 26 June oo ka socoto Muqdisho

calan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay weheliyaan Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa haatan kaga qeyb-galaya Xarunta Gobolka xuska munaasabadda 63-aad ee xornimada gobollada Waqooyi ee dalka.

Xuska 63 guurada ka soo wareegtay markii Gobollada Waqooyi ay xorninada ka qaateen gumeystaha Ingiriiska oo caawa ka socoto xanunta dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa kaloo ka soo qeybgalay xubno ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadisa aqal, Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saraakiisha ciidamada qalabka sida, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn Hambalyo ku aaddan xuska 6e guurada ka soo wareegtay markii Gobollada Waqooyi ay xorninada ka qaateen gumeystaha Ingiriiska u diray dhamaan Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.