Cali Yare oo La shaaciyey Inuu Iskaga Baxay Xisbiga Nabad iyo Nolol

caliyare

War Qoraala oo uu daabacay Afhayeenka Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa lagu sheegay Cali Yare inuu Go’aansaday inuu ka baxo xisbiga Nabad iyo Nolol.

Waxaan cid walba oo ay khusayso la wadaagaynaa in Mudane Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) uu waqti hore go’aan isaga ka soo fuley oo uu si iskiis ah u go’aansaday in uu ka baxo Nabad iyo Nolol, go’aankaasna uu mar hore la wadaagay hoggaanka Nabad iyo Nolol, wuxuuna doortay in uu la shaqeeyo dhinacyo kale oo siyaasadeed.

Sidaas darteed waxaan cid walba u xaqiijinaynaa in afkaarta uu la wadaago dadweynaha ay yihiin kuwo isaga u gaar ah oo wixii hada ka danbeeya aysan ahayn fikrado lagu matalo Nabad iyo Nolol.

Ugu danbayn, waxa uu hoggaamiyaha Nabad iyo Nolol Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u mahad celinayaa dhammaan taageerayaasha Nabad iyo Nolol oo marwalba heegan u ah in ay adkeeyaan mabaadida aan u taaganahay ee ay ugu horayso wadaniyadda (Patriotism), isaga oo ku dhiiri galiyey in ay marwalba adkeeyaan midnimadooda.

Dhammaad

Cabdirashiid Maxamed Xaashi
Afhayeenka Madaxweynihii Hore ee JFS
Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.