Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo Dacawad Xilka Qaadisa h Lagu Soo oogay

cabdirisaaq

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Somaliland ayaa dacwad ka dhan Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif Axmed u gudbiyey Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka.

Cabdirisaaq Khaliif ayaa tan iyo markii qarxay dagaalka Laascaanood kusugnaa magaalada Laascaanood, iyada oo arrintani ay Imanayso xilli ay soo baxayeen warar kala duwan oo ku gedaaman xaaladdiisa siyaasigaa.

Dacwadda ayaa ka kooban afar eedeymood oo kala ah

1.In uu ka yor yimid jiritaanka Somaliland iyo Minidamada kadib markii uu taageeray go’aanadii ay soo sareen gudiga 33-ka ka kooban ee ku shiray Laascaanood iyagoo sheegay in Sool Sanaag iyo Cayn aysan kamid ahayd Somaliland isla maraakana ay hoos tagayaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo lagu eedeeyay in uu jebiyay qodobka 1aad iyo 2aad ee dastuurka Somaliland.

2.Qodobka labaad ayaa lagu sheegay in uu ka been sheegay dhaartii daacadnimo ee ugu dhaartay Somaliland.

3.Qodobka Saddexaad ayaa lagu sheegay in uu jebiyay dastuurka Somaliland kadib markii lagu eedeeyay xil gudasho la,aan iyo in golaha uu ka maqnaa 20 fadhi idan la,aan.

4.Qodobka afaraad ayaa lagu sheegay in uu cambaareeyay ciidamada Soomaliland isagoo lagu eedeeyay in uu yiri waxa ay geysteen xasuuq ka dhan ah bini adannimada.

Xeer ilaalinta ayaa maxkamadda dastuuriga ah ka dalbatay in uu Meesha ka saaro xubin nidamada golaha wakiilada ee Cabdirisaaq Khaliif Axmed maadama ay sheegeen in uu dastuur jebin ku kacay.

dhanka kale guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadani ayaa cambaareeyay dacwadda xeer ilaalintu ay gudbisay maxkamadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.