Akhriso:Madaxweynaha Uganda oo shaaciyay tirada uga dhimatay weerarkii Al-shabaab

museveni

Madaxweynaha dalka Uganda ayaa shaaciyay tirada uga dhimatay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig ay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin Buula-Mareer.

Yuweri Museveni ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in 54 askari looga dilay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin Soomaaliya.

Hadalka Museveni ayaa imaanaya todobaad kaddib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga degmada Buula-mareer oo 130-km Koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Al-shabaab ayaa sheegatay in weerarkasi dhacay 26-kii May ay ku dileen 137 askari.

Museveni ayaa sidookale sheegay in ciidamada Difaaca Uganda (UPDF) ay tan iyo markaas ay saldhigga dib ugala wareegeen Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.