Waxaa Loo Baahan Yahay Gurmad Siyaasadeed oo Soomaaliya Ka Badbaadiya Haadaanta Lagu Wado W/Q Dhiblaawe

Xasansheekh

Waxaan umadda Soomaaliyeed la wadaagayaa arin aad loo wada maqlay dad badan iyo siyaasiina ka falceliyeen oo ah Go,aankii GUDIGA WADATASHIGA QARANKAIII,waa arin khatar ah oo la farsameeyey gacma shisheeyana ayyan ka marneyn laakiin aad loo farsameeyey si looga gado shacbiga siyaasiyiinta iyo golayaasha shacbiga (golaha shacabka iyo agalka sare)laguna hirgelinaayo dhaqaaale badan oo ay bixineyso DAWLADA IMARAADKA sidaas awgeed aan idin xasuusivo arimahaan:- Waxaa jira dhibaatooyin daashaday dadka Soomaaliyeed ee ku noqday cudurka kansarka marka wax ka gabashadooda la soo qaadana dadka Soomaaliyeed u dheganuglaanayaan sida:-

Qof iyo cod, deyncafin, dagaalka Al shabaab iyo soo saarista shidaalka, intaas waxaa dheer in laga soo bilaabo maamulada Gobolada ilaa qaranka la waafajiyey in dani ugu jirto oo kuligood mudo hal sano oo xilkordhin ah loogu daray iyo lacago lagu laaluusho, sidaas awgeed arintu hadaysan ahayn (TAGOOGTA MURUQA KALA BAX OO TUUR), waa in labada gole arintaas horistaagaan,waa hubaa in labada aqal ayyan moogeyn in dalka loo gacangelinaayo IMAARAADKA(UAI), Lama mooga in ciiddamo caloolshood u shageystayaal ah ay ka dhex qoranayaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo helis ku ah qofkasta oo dalka rajo ka qaba ama damiir soomaalinimo leh, sidoo kale waa qorax soo baxday oo aan calaacasha lagu qarin Karin in ciidankii dalka loo tababaray la baabinaayo hubkoodiina maleeshiya beeleed iyo Al shabaab loo gacan geliyey, arintaan oo hadda xawli ku socota waa ka mid go’aankaan waxana loo soo saaray si indhaha iyo maskaxda dadka iyo baarlamaanada mowjado kale oo lagu mashquuliyo loogu sameeyo.

Aan ku soo gunaanado (MARKII LALA TAGO IYO MARKAY TUBAN TAHAY WAA TOLEEY OO LOOMA KALA TAGO), oo loola jeedo in kasta oo maahmaahdu ku baxday geela colka difaacidiisa iyo waraabinta maalinta ay ooman tahay maanta waxay u dhacaysaa difaaca iyo horumarinta dalka oo ay golayaashu nooga wakil yihiin anaguna aan garbo u nahay, sidaas awgeed indhaha shacbiga waa idin soo eegayaan halka aad qaranka dhigtaan, waana taariikh hari doonta, horgal shisheeye raac ah waa aragnaaye halyey difaaca dalku ma leeyahy?

Wabilaahi towfiiq DHIBLAAWE.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.