Taliyaha Ciidanka Lugta oo gaaray Deegaan xeebeedka Mareeg

dhoore

Taliyaha ciidanka Lugta ee xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi ayaa kormeer waxaa u ku tagay deegaan xeebeedka Mareeg oo  hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud qiyaastiina u jira 28 kiilo Miter oo khawaajirta Al-shabaab ay u isticmali jireen in ay kala soo dagaan hubka iyo walxaha qarxa.

Deegaankaan ayaa qayb ka ah goobaha Khawaajirta lagala wareegay,halkaas oo ay ku sugan yihiin hatan ciidamada qaybahooda kala duwaan oo ay ugu horeyaan kuwa ilaalida xeebaha,kadiba markii gacanta ay ku dhigeen CXD.

Khawaarijta ayaa horay uga mabnuucday in dadka ay u dalxiis tagaan xeebtan,taas oo ay sabab u ahayd in ay halkaas kala soo dagi jireen hubka iyo walxaha qarxa oo ay ku dhibaateyaan dadka Shacabka ah.

Deegaankaan ayaa haatan ay u dalxiis tagaan shacab ka kala yimid deegaanno hoostaga degmada Ceeldheer iyo qaar ka mid ah goboladda dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.