Sawiro:Ra’iisalwasaare Xamse oo Kulan la qaatay Isimada SSC

Xamse

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan Casho Sharaf ah la qaatay qaar ka mid ah Garaadada oo ka soo kicitamay magaalada Laascaanood ee Gobolka  Sool.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Garaadada kala hadlay xaaladda magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, waxa uuna muujiyey sida aan loo aqbali karin in ay sii socoto xabadda iyo dhibaatada.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka dhageystay Garaadada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada, isagoo kula dardaarmay in ay doorkooda ka qaateen nabadda, walaalnimada iyo xasilloonida.

Garaadada Dhaqanka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxa ayna soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhashay dagaalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.