Sawiro:Taliyaha Ciidanka Booliska oo kulan Laqaatay Saraakiisha amniga caasimada

Boliis

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto, Sulub Axmed Firin, ayaa la kulmay Saraakiisha Ciidamada Amaanka ee Howlgalka Ciiltire ka wada Caasimadda.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii loo dardar galin lahaa Sugida Amniga Caasimada, Maadaama muddooyinkii dambe uu ka socday howlgalka Ciiltire ee la dagaalanka Khawarijta, Burcada hubeysan iyo  Maandooriyaha.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye iyo taliyaha Boliiska qeybta guud ee Gobolka Banaadir G/sare Macallin Mahdi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.