Sawiro:Korneel Cismaan Maxamed Jeelle oo aas qaran oo lagu sameeyay Muqdishu

xasansheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Salaadda Janaasada ku tukaday Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan Maxamed Jeelle oo ka mid ahaa Xubinihii Golaha Sare ee Dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu door ka soo qaatay dowlad-dhiska Soomaaliya, isagoo soo noqday Wasiir, Duqa Muqdisho iyo Ergey Madaxweyne, kuwaas oo dhammaantood uu ugu shaqeeyey dalkiisa iyo dadkiisa Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasadu waxa uu sigaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isaga oo Alle uga baryey samir iyo iimaan inuu ka siiyo, marxuumkana Jannatul Firdows geeyo.

Janaasada Marxuum Cismaan Maxamed Jeelle waxaa ka soo qayb galay, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, Ra’iisul Wasaaraha XFS,Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada Labada Gole iyo masuuliyiin heer gobol.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.