Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu dhisayo wado isku xiraysa labada dal

wado

Wasiirada Maaliyadda Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu dhisayo wado isku xiraysa labada dal si loo kobciyo dhaqaalaha iyo horumarka bulsho ee labada dal.

Waxa Magaalada Sharma Sheekh ee Dalka Masar ku qabsoomay Shirka 17-aad ee Wasiirada Maaliyadda Dalalka Geeska Afrika.

Shirkaan oo looga hadlay qoddobo dhowr ah oo xambaarsanaa Horumarinta Dalalka Geeska Afrika ayaa markaan waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray isku xirka dalalka Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya oo loo sameynayo Waddooyin waaweyn oo isku xira si loo hormariyo ganacsiga dalalka Geeska.

Mashqruuca isku xirka Dalalka Geeska Afrika wajigiisa 1-aad waxaa nasiib u helay in lagu bilaabo Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo fulinta mashuuraacan uu masuul ka yahay Bangiga Horumarinta Afrika.

Waxa si wada jir ah u saxiixay Mashruuca dhismaha Wadada isku xiri doonta Jabuuti iyo Soomaaliya Wasiirada maaliyadda labada dal Dr Cilmi Maxamuud Nuur iyo Ilyaas Muuse Dawaare.

Dhismaha wadadan ayaa wax badan ka tari doonta isku xirka bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha gobolka Geeska Afrika, waxaana wajiga labaad ee mashruucan lagu dhisi doonaa wado kale oo isku xiri doonta Soomaaliya iyo Kenya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.