Galmudug oo Noqotay Maamulkii ugu horeeyey ee u Hambelyeeya Puntland

waayeel

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa noqday maamulkii ugu horeeyey ee Hambalyo u dira dowlada iyo shacabka Puntland guushii ay ka gaareen doorashada doorashada golaha deegaanka.

War qora ah oo kasoo baxay wasiirka wasaarada arimaha Gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac Cabdi waayeel ayaa sidaan u qornaa.

“”Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudah,Federaalka iyo Dib-U-heshiisiinta Dowladda Galmudug Mudane Cabdi Maxmed jamac (Cabdiwayel) Ayaa ugu hambalyeeyay Dowladda Iyo Shacabka Puntland guusha ay ka gaareen qabsoomida doorashada hal qof iyo hal codka ee golayaasha deegaanka dowlad goboleedka Puntland asagoona shacabka Galmudug ugu bishaareeyay in Galmudug ku hawlantahay doorasho hal qof iyo hal cod ah oo dad-weynuhu ku doortaan madaxdooda.

“Waxaan hambalyo qiimo badan u dirayaa Dowlada iyo shacabka puntland guusha weyn ee maanta ay ku tilaabsadeen ee ah Doorashada qof iyo codka ah oo si degan oo qurux badan ka hirgashay puntland taasoo ay ku naaloonayaa dhamaan shacabka soomaaliyeed.
Waan jeclaa maanta inaan ka qayb galo laakiin ima suuroobin.

Waxaan idinku bishaareynayaa in Dowlada Galmudug ay ku hawlan tahay sidii ay u qaban lahayd Doorasho qof iyo cod ah inshaallaah.
Guul Doorashada puntland” ayuu yiri wasiir Cabdi Maxamed Jaamac.””

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.