Sawiro:Wasiirka Waxbarashada iyo taliska Booliska oo ka wada hadlay amniga Imtixaanka

Faarax

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa maanta kulan la yeeshay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Saraakiisha loo diyaariyay in ay ka shaqeeyaan Amniga iyo Amaanada Imtixaanka.

Wasiir Faarax iyo S.Guuto Sulub Axmed Firin ayaa Saraakiisha kula dar daarmay in ay masuul ka yihiin bad qabka ardayda iyo amaanada Imtixaanka, iyaga oo sidoo kale faray in ay ardayda ula dhaqmaan sida ugu wanaagsan oo aysan khal khal galinin .

Saraakiishan ayaa ka shaqeyn doono 114 xarumood oo loo diyaariyay in ay Imtixaan ku galaan 34,000 oo arday, kuwaas oo ku kala yaalla Caasimadda iyo Gobollada dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.