Xukunno kala duwan oo lagu riday Askartii ka dambeysay weerarkii Isgoyska Siinay

Shuute

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta xukunno kala duwan ku riday askartii ka dameeysay weerarkii ka dhacay isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho, 27-kii Bishii Febaraayo ee sanadkaan kaa oo  lagula beegsaday Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Saleemaan Maxamuud fargax, iyo askar ilaala u ahaayd.

Weerarkaas ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray, askar kamid aheyd ilaalada Guddoomiyaha oo isna uu dhaawac ka soo gaaray iyo dad Shacab ah oo Isgoyska ku sugnaa.

Askariga Koowaad oo lagu Magacaabo Cabduqaadir Xasan Cabdulle Sheelaro ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, isaga oo loo heysto in uu Qoray dhashiiko ah ku dilay lix Ruux oo ay kamid ahayeen Ilhaan Cabdi jamaal Maki oo aheyd Hooyo Uur laba Bilood leh, cabdullaahi Cabdi Maxamuud oo ahaa Darawal Gaari, Ilyaas Axmed Nuur, Ayuub Daa’uud Xuseen, Cabdikhadar Maxamed Xuseen  iyo Isaaq Xuseen Maxamuud oo ahaa darawaliinta ku Shaqeysta Mootooyinka Bajaajta.

Axmed Mire Cismaan fiidow, Maxamuud Cabdi Maxamed, Cabdullaahi Cismaan Isaaq Ibraahim oo loo heysto inay dileen Cabdullaahi Maxamuud Huubleey iyo Daahir Xuseen Axmed Dooli oo katirsanaa Ciidamada ilaalada Guddoomiyaha degmada Yaaqshii, waxaana  lagu xukumay dil toogasho ah.

Ayaanle Maxamed Diiriye Warsame iyo Sayid Cali Cabdullaahi Abshir oo loo heysto in mid uu riday xabadii ugu horreysay midna uu isku dayay marin habaabinta Garsoorka ayaa lagu xukumay min Shan sano oo xabsi ciidan ah.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sidoo kale min Saddex Sano oo xabsi ciidan ah ku riday Cabdikariin Shaafici Cismaan, Cabdullaahi Cali Isxaaq, Cabdikariin Maxamed Siyaad, Cabdullaahi Xersi Geedi, Maxamed Cali Cabdullaahi oo lagu helay falal ay kamid yihiin, Handadaad, Ammar diido Ciidan iyo inay u dhaqmeen sida Maleeshiyaad oo kale.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa sidoo kale siideysay Axmed Cali Axmed Maxamuud ( Macalinka) oo wax dambi ah lagu waayay sida uu Warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.