Sawiro:Wasiirka Gaashaandhigga oo Uganda tababar ugu soo xiray ciidaamo ka tirsan Xoogga dalka

wasiir

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta tababar dalka Uganda ugu soo xirey urur gaar ah (special force ) oo ka tirsan Xoogga Dalka, kuwaas oo dhameestey tababar heerkiisa aad u sareeyo.

Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Ururkaan sida gaarka u tababaran uu dhiig cusub ku biirin doono Ciidanka Xoogga Dalka oo bilihii ugu dambeeyey Khawaarijta cashar lama ilaawaan ah u dhigey koobaha dagaalka.

“Waxaan halkaan uga mahad celinaayaa Dowlada Uganda, Shacabkeeda iyo hogaankeeda taageerada hagar la’aaneed ee la daba taagan yihiin Shacabka iyo Dowlada Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa wqxaa uu mahadceliyey Boqortooyada Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) oo uu sheegay in kaalin taariikhda geli doonta ka geysaneyso dib u dhiska CXDS tayo ahaan iyo tiro ahaan intaba.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.