Daawo:Dr Cabdicasiis Cabdi Faarax oo Lagu Soo dhaweeyey Gedo University ee Magaalada Baladxaawo

cabdicasiis

Waxaa booqasho ku tagay xarunta Gedo International University ee magaalada Baladxaawo wafdi uu hogaaminaayay Dr Cabdicasiis Cabdi Faarax (Diktoorka indhaha) oo ka mid ah guddiga sare ee jaamacadda iyo Sheekh Maxamad Aadan Waadi oo ah gudoomiyaha Alrahmah Foundation, waxaa kaloo maanta ka mid ahaa martidii lagu soo dhaweeyay xarunta jaamacadda Xaaji Xasan Mooge Nuur oo ka mid ah jaaliyadda Austaralia, jaaliyaddaa Austaralia oo ah mid ka mid ah jaaliyadaha ugu horeeyay ee bilaabay dhismaha jaamacadda.

Xaflad wayn oo loo qabtay martida ayaa waxaa soo dhaweeyay martida maamulka jaamacadda oo ay hor kacaayeen Dr Sandheere gudoomiyaha jaamacadda iyo Dr Xasan Xade gudomiye ku xigeenka Jaamacadda, waxaana xafladda kalimaad ka jeediyay Dr Cabdicasiis Cabdi Faarax oo aad ugu dheeraaday muhimadda ay waxbarashada leedahay iyo fursadda wanaagsan ee dadka reer Gedo u soo gashay ayna mudantahay in laga faa’iidaysto, Diktoorka oo sheegay in hadda waxii ka danbeeyo uu u soo diyaargaroobay in uu macalin rasmi ah ka noqdo jaamacadda hadii Allah yiraahdo maadama shaqadiisii qayb ahaan gobolka uu u soo leexiyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.