Sawiro:Muwaadin ka soo cararay Dagaalada Sudan oo Muqdisho Lagu Soo dhaweeyey

diyaarad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka ku soo celisay 137 Muwaadin oo ka soo Cararay Dagaalada dalka Sudan ka socda.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Xafiiska Madaxweynaha JFS ugu qaabilsan soo galootiga ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyay 73-qof halka sidoo kale 64-qof diyaaradu ka dejisay Garoowe.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibedda Xamza Aadan Xaadoow oo ka warbixiyay soo dhaweynta muwaadiniinta ayaa sheegay in DFS ay sii laban laabtay dadaalada lagu soocelinayo muwaadiniinteeda ku barakacay gudaha Suudaan iyo dalalka deriska la ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.