Gudoomiye Madaale oo dhaqaale ka helay Bajaajka ayaa Mashruuc kale kaga dhawaaqay Muqdisho

jimcaale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa 7-sano kadib si rasmi ah u daahfuray dib usoo nooleynta mashruucii (DALKAAGA KU DHISO HAL DOLLAR) kaas oo ahaa mid horey u hirgalay islamarkaana lagu dhisay qaar kamid wadooyinka Caasimadda JFS.

Daahfurka Mashruucan waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan DFS, Guddoomiye ku-xigeenada maamulka Gobolka Banaadir, Xog’hayyaha guud ee Maamulka Gobolka Aggaasimayaal, Guddoomiyaasha Degmooyinka, Ganacsato, Culuma-udiin iyo hogaanka ururada bulshadarayidka, waxaana goobta lagu soo bandhigay muhiimadaha uu xambaarsan yahay barnaamijka Dalkaaga hal Doolar Ku dhiso.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa mashruucan u xushay dardargalinta horumarinta bilicda Gobolka Banaadir, gaar ahaan dib udhiska Wadooyinka iyo hoos u daadajinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.