Shirkii Wasaaradaha Arimaha Gudaha Dowlada iyo Maamul goboleedya oo kasocda Dhuusamareeb

Xasilinta

Waxaa maalintii 2aad magaalada dhusomareb kasocda shirka Arrimaha Xasilinta oo ay Yeelanayaan Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Heer Federal iyo Heer state kaas oo Diirada lagu saarayo Qorshaynta iyo kordhinta Arrimaha kaalmada la gaarsiinayo Deegaanada laga xoreeyay Argagixisada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda arrimaha Gudaha DFS oo Hadal ka jeediyay shirka ayaa xusay sida wasaaraduhu ugu diyaaraanyihiin isku xirnaanta iyo inay hagaan kaalmooyinka ay heleen asagoo sidoo kalana ugu baaqay saaxiixada soomaliya taageera inay kordhiyaan taageerada ay siinayaan bulshada dagan deegaanada cadawga laga xoreeyo si loo helo soo kabasho deg deg ah oo dhacda xili Hore.

Dhamaan Dowlad Goboleedyad kasoo qaybgalay shirka ayaa jeediyay Hormarada iyo Qorshayaasha Hortabinta u leh una baahan in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.