Dhageyso:Isbitaalka Magaalada Laascaanood oo Muuse Biixi madaafiic ku Garaacay

muse

Dhowr madfac ayaa maanta ku dhacay cisbitaalka guud ee magaalada Laasacaanood, xilli bannaanka magaalada ay ku dagaallamayaan Ciidamada Taliska Muuse Biixi Ciidamada deegaanka SSC.

Muuqaallo laga soo duubay cisbitaalka ayaa muujinaya burbur baahsan oo ka dhalatay duqeynta. Dhanka kale, Somaliland ayaa sheegtay in dagaalka ay ku soo biireen taliyayaal ciidan oo ka tegay Muqdisho, walow aysan faahfaahin ka bixin arrinkaas.

Dr Axmed Cabdirisaaq Axmed waxa uu kamid yahay dhakhaatiirta ka hawlagala cisbitaalka maanta ay madaafiicdu ku dhaceen, gaar ahaan waxa uu ka hawlgalaa qeybta xaaladaha degdegga ah, waxaan goor dhaweyd weydiinay sida ay wax u dhaceen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.