Sawiro:Wasiirka Amniga oo kulan la yeeshay wakiillada qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika 

doodisho

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Dr Maxamed Axmed Sheekh Cali “Doodishe” ayaa kulan wadajir ah magaalada Muqdisho kula yeeshay wakiillada qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa kulankaan la qaatay Ku xigeenka ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Anita Kiki iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Mohamed El-Amine,waxaana looga hadlay Amniga guud ee dalka, gaar ahaan kan caasimadda iyo sidii loo ciribtiri lahaa khawaarijta Alshabaab.

“Dadka reer Muqdisho iyo guud ahaan dalka waxay mudan yihiin inay nabad iyo amni ku noolaadaan, waana waajib na saaran ka dowlad ahaan inaan xaqiijinno”ayuu yiri wasiir Doodishe.

Wakiillada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa Wasaaradda Amniga ku boggaadiyay dardar gelinta howlaha hortebinta u leh Amniga dalka iyaga oo sheegay in ay dhankooda ka qeyb qaadan doonaan sidii shacabka Soomaaliyeed ay nabad ugu noolaa lahaayeen.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga,Taliye xigeenka ciidanka Boliiska Soomaaliyeed,Diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

Waxay noqon kartaa sawirka 10 qof, dad fadhiya, dad taagan iyo gudaha
Waxay noqon kartaa sawirka 4 qof, dad fadhiya, dad taagan, dareeska ciidanka iyo gudaha
Waxay noqon kartaa sawirka 8 qof, dad fadhiya iyo gudaha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.