Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo Iscasilay

Caananug

Wasiiru dowlihii wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cali Cumar Caananuug ayaa shaaciyay in uu iska casilay xilkii Wasaarada Gaadiidka ka hayay. Arimo la xariira musuq maasuq ka jira dowlada.

Qoraal uu soo saaray Xildhibaan Caananuug ayuu ku sheegay in xilka iska casilay, kaddib markii uu u dulqaadan waayay ku takrifal awoodeed ay wado wasiirka wasaaradda, sidoo kale wax laga qaban waayay cabashooyin badan oo uu u gudbiyey wasiirka iyo Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.