Ra’iisul Wasaare Xamse oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dalkooda maalgashadaan

Xamze

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta furay Shirka Midowga Bangiyada Soomaaliyeed oo looga hadlayo fursadaha iyo caqabadaha horyaal Bangiyada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey dadaallada ganacsatada Soomaaliyeed ee ku aadden horumarinta dhaqaalaha, gaar ahaan barnaamijka lacag bixinta mideysan ee qaranka oo faa’iido u leh maaliyadda dalka. Isagoo xusay in dhaqaalaha dalku uusan horumar sameyn karin haddii aan la helin bangiyo la aamini karo.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashi ku sameeyaan kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dekedaha Soomaaliyeed, si ay ugu adeegaan dadweynaha gobolka oo u baahan furdooyin ay kawaaridaan ganacsigooda.

Midowga Bangiyada Soomaaliyeed oo ay xubno ka yihiin 13 bangi oo gaarka loo leeyahay, ruqsadna ka haysta Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, ayaa la aasaasay sannadkii 2016.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.