Ra’iisulwasaare Xamsa oo tababar u soo Xiray ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab

xamse

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xamse Cabdi Bare oo maanta gaaray Saldhigga Ballidoogle ayaa u soo xiray tababar ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka.

Ciidamadan oo qaatay tababar sare oo ku aaddan difaaca dalka iyo ciribtirka Khawaariijta, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu ku boggaadiyay dadaalka ay muujiyeen mudadii ay ku jireen tababarka, isagoo ku ammaanay dhabar adeyga, geesinimada iyo sida ay uga go’an tahay Ciidamada Qalabka Sida in ay dalka ka sifeeyaan argagixisada caadeystay daadinta dhiigga shacabkeenna.

Mudane Xamse ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka oo kaalin weyn ka qaadatay tababarka ciidankan.

Ra’iisul Wasaaraha oo dul istaagay tayada tababarrada ay qaateen dufcaddan ayaa boggaadiyey guulaha la taaban karo ee ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay ka soo hooyeen dagaallada lagula jiro kooxaha khawaarijta ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay dib u habaynta Ciidanka Qalabka Sida oo aas-aas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka lagaga sifaynayo dalka argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa kula dardaarmay Dufacadda 8-aad ee ka mid noqonaysa Ciidanka Sida-gaarka ah u tababaran ee Danab in ay ilaaliyaan anshaxa iyo sumacadda ay ku tilmaaman yihiin Ciidanka Kumaandooska Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.