Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay dagaalka ka socda Laascaanood

fiqi

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay  xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, iyadoo ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo xabadda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo warbaahinta u aqriyay mowqifka Xukuumadda ee ku aaddan xaaladda Laascaanood ayaa sheegay in dowladdu ay si dhow ula socotay shirarka ka socday laascaanood oo ay hormuudka ka ahaayeen madaxda dhaqanka, sidaa daraaddeedna ay ka xunyihiin wixii halkaasi ka dhacay ee geystay burburka hantiyeed iyo barakaca umadda.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dhibaatada kasoo cusboonaatay magaalada Laascaanood ay tahay mid siyaasadeed oo u dhexeysa dad Soomaaliyeed oo walaalo ah, degaan iyo dhaqan wadaag ah, dhibka u dhexeeyana aan lagu xallin karin xoog iyo dagaal toona.

Mudane, Fiqi ayaa sheegay in xaaladda Laascaanood ay saldhig u tahay tixgelinta rabitaanka dadka wadda kasta oo kalena ay uga sii dareyso, colaadaha iyo dirirta sokeeyana ay tahay mid lasoo tijaabiyay, kuwaas oo aan laga dhaxlin wax natiijo ah.

“Dowladda Soomaaliya waxay garowsan tahay in dagaallada iyo colaadaha dhexdooda ah horay loo soo tijaabiyay, kuwaasoo aan laga dhaxlin wax natiijo ah”

Wasiirka ayaa ugu dambayn sheegay in dowladda Soomaaliya uu xil ka saaraan yahay ilaalinta mabaadi’da dastuuriga ah ee dhowrista midnimada dhuleed iyo tan dadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sidaa daraaddeedna ay dowladdu dhowreyso rabitaanka iyo go’aanada dadka reer Laascaanod.

“Dawladda Soomaaliya waxaa xil ka saaraan yahay ilaalinta mabaadi’da dastuuriga ah ee dhowrista midimada dhuleed iyo tan dadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna dawladdu ayadoo ka duulayso mabda’aas soo dhowaynaysaa rabitaanka iyo go’aanada dadka reer Laascaanod”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.