Xukuumada Soomaaliya oo ansixisay Heshiiska u dhaxeeya Imaaraatka Carabta iyo Soomaaliya

Xasansheekh

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Bare ayaa guddoomiyey kulan aan caadi ahayn oo caawa ay yeesheen Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda.

Golaha ayaa wadajir u ansixiyey Xeerka Gaadiidka Badda oo ay soo gudbisay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Hindise-sharciyeedka Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Buluugga ah iyo Heshiiska u dhaxeeya Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraatka Carabta ee ku saabsan Iskaashi militari iyo amni, iyo la dagaallanka argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku ammaanay Wasaaradaha soo diyaariyey xeerarka iyo heshiisyada ay ansixiyeen Golaha Xukuumaddu, waxa uuna tilmaamay sida ay muhiimka ugu tahay horumarka dalka.

Dhinaca kale, Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa uu bogaadiyey heshiiskii lagu gaaray shirkii dib u heshiisiinta Koonfur-Galbeed.

Ugu dambeyn Golaha ayaa uga tacsiyeeyay Dowladda Turkiga iyo shacabkeeda dadka ku dhintay dhulgariirka ku dhuftay waddankaasi, iyaga oo Alle uga baryay inta ku dhimatay naxariistiisa Janno, inta ku dhaawacantayna in caafimaad degdeg ah uu siiyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.